882 Views

Jenaraal Xuud oo Wacad ku maray in uu Xabsiga dhigayo masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada B/weyne

Jenaraal Xuud oo  Wacad ku maray in uu Xabsiga dhigayo  masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada B/weyne
____________________________________________________________________________



 Feb 16, 2021

Xili Xaalada Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada  B/weyne ay tahay mid aad u adag ayaa waxaa soo baxaya Hanjabaadyo ka imaanaya Jeneraalka sheegay in uu Dagaal la galayo Cali Guudlaawe iyo Daba Dabageed maamulka ay ku soo dhisen Jowhar ee Hirshabeelle.

Saraakiisha ugu sareysa  Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa sheegay in 48 saacadood gudahood ay ugu qabtaan in ay isaga baxaan magaalada Baledweyne masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ee ku sugan magaaladaasi.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa sheegay ineysan u dulqaadan doonin dhibaatoyinka Hirshabeelle ee ka geysanayaan magaalada Baledweyne oo ah xariga dadka shacabka ah iyo amaan darada aay magaalada kusoo kordhiyeen, waa sida uu hadalka u dhigaye Janeraalka.

sidoo kale Jenaraal Abuukar Xuud ayaa fariin adag u diray dowlada Soomaaliya oo uu sheegay iney beegsi ku haayso Sarakiisha Xooga dalka ee u dhashay gobolkan oo aay marwalbo badalaan waxuuna ugu baaqay in arintaasi dowlada ka waantowdo oo aay dib ugu soo celiso Sarakiisha aay gobolka ka badashay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post