501 Views

Axmed Madoobe oo ka digay in shaqaalaha dowladda aysan ku milmin siyaasadda

Axmed Madoobe oo ka digay in shaqaalaha dowladda aysan ku milmin siyaasadda
____________________________________________________________________________


khamiis: February 3, 2022

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay xarunta aqalka martida ee Dowladda Jubaland kulan la qaatay Guddiyada shaqaalaha rayidka heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir kuwaa oo shantii casho ee lasoo dhaafay kulan wadatashi ah oga socday magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlayey dhamaan guddiyada shaqaalaha rayidka ee kasoo qayb galay kulanka sagootinta ah waxa uu kula dardaarmay in si hufnaan leh oo cadaaladi ku dheehantahay loogu adeego shaqaalaha rayidka, kuwaa oo udub dhaxaad u ah jiritaanka Dowladd-nimada.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shaqaalaha dowladda ugu digay in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda,islamarkaana ay ka shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed.

Shaqaalaha rayidka ah ayuu sheegay Madaxweynaha in loo baahanyahay in la ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin, sidoo kalena lagu ilaaliyo waajibaadkooda shaqo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post