996 Views

Soomaaliya iyo Qatar oo diiday Go’aan ka dhan ahaa Turkiga

Soomaaliya iyo Qatar oo diiday Go’aan ka dhan ahaa Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October13—2019 —Golaha Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta shir deg deg ahaa oo shalay ay  ku yeesheen Dalka Masar ayaa waxaa ay kasoo saareen qaraar ka dhan ahaa dowladda turkiga oo weerar Ciidamadiisa ku galeen dalka Syria.

 

Kulankooda kadib ayaa bayaan ay soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen weerarkaas,hayeeshee waxaa diiday  saxiixa bayaankaas dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

 

Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar mudane ; Towfiiq Axmed C/laahi oo kulanka Jaamacada Carabta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga uu Saaxiib la yahay Soomaaliya, kana caawiyay waxyaabo badan, sidaa daraaddeedna ay ka gaabsanayaan war-murtiyeedka Jaamacadda Carabta eek u saabsan howl-galka Turkiga.

 

” Turkiga waa Dowlad saaxiib la ah Soomaaliya, waxa ayna xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba naga caawisay dhismaha dhammaan hay’adaha xukuumadda ka dib dagaalladii sokeeye ee Dalka soo maray.

 

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay Jaamacada Carabta ay Garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray.

 

Bayaanka dalalka Carbeed ayaa waxa ay ku sheegen in faragelinta turkiga ee dalka Syria uu Qatar dhinaca amniga ah ku yahay wadamada Carbeed maadaama Syria ay dalalka Carbeed kamid tahay.

 

Guddoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in weerarka ciidamada turkiga ku galeen Syria uu yahay faragelin qaawan oo ay kusoo qaadeen dalalka Carbeed.

 

Ciidamada dowladda turkiga ayaa dhawaan bilaabey howlgal ka dhan ah Ciidamada Kurdish-ka ee ay ugu yeereen argagixisada,waxaana tallaaandaaasi cambaareeyey dowlado badan oo Caalamka ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment