522 Views

Madaxa xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo dalbaday in cadaadis la saaro milatariga Myanmar

Madaxa xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo dalbaday in cadaadis la saaro milatariga Myanmar
____________________________________________________________________________

.

Sabti: January 29, 2022

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay hogaamiyayaasha caalamka inay sare u qaadaan cadaadiska saaran taliska militariga Myanmar si ay u joojiyaan rabshadaha ka dhanka ah dadka dalkaasi isla markaana si deg deg ah loo soo celiyo xukunka rayidka.

Ku dhawaad ​​hal sano ayaa laga joogaa markii millatarigu la wareegeen awoodda dalka, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet ayaa sheegtay in dadka waddanku ay bixiyeen qiimo aad u sarreeya marka loo eego nolosha iyo xorriyadda luntay.

“Waxaa la joogaa waqtigii si degdega ah, dadaal cusub oo dib loogu soo celin lahaa xuquuqda aadanaha iyo dimoqraadiyada dadka Myanmar iyo in la hubiyo in dambiilayaasha ku dhawaaqay xadgudubyada sidoo kalana ku kacay jebinta nidaamka xuquuqul insaanka lagula xisaabtamo,” ayay tiri Michelle.

Michelle Bachelet waxay sheegtay inay la hadashay qaar kamid ah difaacayaasha xoriyada madaniga ah ee Myanmar kuwaas oo ka baryaya beesha caalamka inaysan ka tagin.

Milateriga Myanmar ayaa xukunka la wareegay 1-dii bishii February ee sanadkii hore, iyaga oo meesha ka saaray dowladdii rayidka ahayd, waxayna xireen hoggaamiyihii rasmiga ahaa, Aung San Suu Kyi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post