468 Views

Doorashada kuraas ka mid ah golaha shacabka oo lagu qabanayo Baydhabo

Doorashada kuraas ka mid ah golaha shacabka oo lagu qabanayo Baydhabo
____________________________________________________________________________


khamiis: January 20, 2022

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Koofur Galbeed ayaa  waxaa uu shaaciyay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo ka mid ah 11 kii kursi ee  guddigu shaaciyey 1-dii Bishaan.

Guddiga ayaa in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta iyo Shaacinta Guddiga Xulista Ergada,sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

Qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in 25 Bisha Janaayo Magaalada Baydhabo lagu qabanayo doorashada Saddexda Kursi oo ka mid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post