969 Views

Xil Wareejin ka dhacday Hiiraan

Xil Wareejin ka dhacday Hiiraan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-22-2020–Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa goor dhow lagu qabtay xilwareejinta Guutadda 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xooga ee gobolka Hiiraan.

Xilka Wareejinta taliyeyaasha Ciidanka waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti.

Col maxamuud xasan ibrahin (Bakaay) oo noqday Taliyaha Cusub ee Gutadda 5-aad qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan ayaa xilka kala wareegay Farax cali waasuge Farax Kooshin.

Sido kale waxaa isna xilka la wareegay taliye ku xigeenka guutadda 5-aad qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan Gashanle Dhaxe abdulahi barre Elmi isago badelayo Gashanle Sare Maxamed Cabdi xasan Jeeri.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post