1065 Views

Dalka Malaysia oo ka hadashay muwaadinkooda oo Al-shabaabnimo loogu xiray Soomaaliya.

Dalka Malaysia oo ka hadashay muwaadinkooda oo Al-shabaabnimo loogu xiray Soomaaliya.
____________________________________________________________________________


Isniin: September 20, 2021

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Malaysia ayaa sheegtay inay si dhow ula socota xarigga iyo hannaanka sharciga ah ee lagu soo rogay nin u dhashay dalkaas oo la sheegay inuu Soomaaliya u soo galay si uu uga biiro kooxda Al-Shabab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Datuk Saifuddin Abdullah ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Safaaradda Malaysia ee Khartuum, Suudaan, ay tageen qunsuliyadda si loo hubiyo daryeelka iyo caafimaadka ninkaas oo loo yaqaan Axmad Mustakim Abdul Hamid.

“Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa la socodka dhacdooyinka kiiska waxayna siin doontaa mudnaanta koowaad iyada oo hubineysa in mar walba la ilaaliyo xuquuqdiisa iyo inuu helo xukun caddaalad ah oo waafaqsan sharciga.

“Waxaa naloo oggol yahay inaan booqanno qunsuliyadda, sidoo kale waxaan la xiriirnay qoyskiisa si aan ugu sheegno xaaladdiisa.”

“Waa inaan ixtiraamnaa shuruucda dalka, waxaana laga yaabaa inaan weyddiisanno wakiillada safaaraddeenna inay ka soo qaybgalaan dacwadiisa maxkamadeed,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Baarlamaanka ee Indera Mahkota Sabtidii 18-ka September.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post