1635 Views

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qabatay Dood Cilmiyeed ku saabsan kala korinta Ilamaha

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qabatay Dood Cilmiyeed ku saabsan kala korinta Ilamaha
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda oo kaashanaysa Hay’adda UNFPA, ayaa qabatay Dood Cilmiyeed looga hadlayo kala korinta Ilamaha iyo Sare u qaadista Caafimaadka dumarka.

 Kulaanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Agaasimaha Waaxda siyasadda iyo qorsheynta iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka qoyska ee Wasaraada Caafimaadka.

Sidoo kale Shirkan oo aad muhiim u ah waxaa ka soo qeybgalay Culimaa’udiin, dhakhaatir ku taqasusay daaweynta Cuduradda Dumarka, xubno ka socday Aqoonyahanka dalka, Bulshadda Rayidka , madaxada ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNFPA iyo iyo UNICEF kuwaas oo kala shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka howlaha horumarinta Caafimaadka hooyada iyo dhallaalnka .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post