1089 Views

Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah ku tegaya Galdogob

Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah ku tegaya Galdogob
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-03-2020-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa lagu wadaa in todobaadkaan Gudihiisa uu booqasho ku tago degmada Galdogob ee Gobolka Mudug tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.

Madaxweyne Deni oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada,waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaah Puntland uu mashaariic kala duwan ka dhagax-dhigi doono sidoo kalena uu kormeer ku sameyn doono Xarumaha Maamulka iyo kuwa Ciidamada ee degmadaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa intii uu xilka haayay booqasho ku tegay degmada galdogob,waxaana hadii uu tago Deni uu noqonayaa Madaxweynihii labaad ee taga degmadaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post