1284 Views

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka digay in rabshadihii dhacay ay dalka u horseedi doonan dhibaato

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka digay in rabshadihii dhacay ay dalka u horseedi doonan dhibaato
____________________________________________________________________________

Sabti: July 17, 2021

Madaxweynaha Koonfur Africa, Cyril Ramaphosa ayaa ka digay in rabshadihii dhawaan ka dhacay halkaasi ay dalka u horseedi doonto saboolnimo qoto dheer iyo shaqa la’aan badan.

Mar uu jeedinayay khudbadiisii sadexaad ee todobaadkan, ayaa waxaa uu sheegay in muddo bilooyin ah ay ku qaadan doonto in dalka uu soo kabto

. Booliska yaa baaraya 131 kiis oo la xiriira dil, kaddib markii 212 qof ay ku dhinteen rabshadihii isbuucan ka socday Gobolada Kwa-Zulu Natal iyo Guteng.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa ballan qaaday inuu garab istaagi doono ganacsatadii hantidooda la boobay iyo qoysaska ay waxyeeladu ka soo gaartay rabshadahaasi.

Dhanka kale, Kolonyo gawaari ah oo gargaar sida ayaa saaka gaaray magaalada Durban, gobolka Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika.

Gargaarkan oo ka kooban cuntooyin kala duwan iyo xafaayado ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay rabshadihii maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Koonfur Africa, kuwaas oo ka dhashay xariga madaxweyneihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo lagu xukamay 15 bilood oo xabsi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post