348 Views

Qaraasaha ka dhashay dadkii Ku Dhintay Qarxii xalay Ka Dhacay Muqdisho oo Kordhay

Qaraasaha ka dhashay  dadkii Ku Dhintay Qarxii xalay  Ka Dhacay Muqdisho oo Kordhay
____________________________________________________________________________

.

Talaado: OCTOBER 18, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo fiidkii hore ee xalay ka dhacay xaafadda Ceelqaloow degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa la dhigay goob ay ku caweeyaan dhalinyarada xaafadda, waxaana uu dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, sida mas’uuliyiinta degmada Wadajir ay ku waramayaan

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Dalxiis ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo Shacab ah 5 kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana haatan ay baaritaano wadaan.

Waxa uu sheegay iney gurmad deg deg ah la gaareeen dadka waxyeelada gaartay oo ay ula carareen xarumaha caafimaadka, isagoo shacabka ugu baaqay iney si dhaw ula shaqeeyaa laamaha amaanka, si looga hortago falalka lidiga ku ah amaanka.

Si kastaba, Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay xirnaayeen wadooyinka ugu muhiimsan caasimadda, maadaama Muqdisho lagu soo dhaweynayay ciyaartoyda 17 jirada ee ku soo guuleystay koobkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post