900 Views

SAWIRO:- Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo u goostay kuwa PSF

SAWIRO:- Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo u goostay kuwa PSF
____________________________________________________________________________

Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa Magaalada Boosaaso kusoo bandhigey ciidamo ku labbisan dareeska Ciidamada Daraawiishta Puntland kuwaasi oo sheegay in ay ka soo bexeen difaacyada aaga kalabeydh una wareegeen dhimaca PSF.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan ayaa waxaa ay sheegeen inay difaacyada uga soo baxeen duruufo kala duwan iyo in Xukuumadda Deni ay dooneyso inay Ciidamada iska horkeenaan.

Saraakiisha Ciidamada PSF ee Ciidamadaan soo dhaweeyay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan Ciidamada kale ee Puntland oo hal cadaw ay leeyihiin, isla markaana ay soo dhaweeynayaan Ciidamo kasta oo dhankooda soo aadaya.
Tallaabadaan Ciidamada ka tirsan Daraawiishta Puntland ugu biireen kuwa PSF ayaa kusoo aadeysa xilli magaalada Boosaaso ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay  xilqaadistii uu agaasimaha hey’adda PSF ku sameeyey madaxweyne Deni.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post