990 Views

Dowladda oo lacag ka dalbatey Bangiga Adduunka

Dowladda oo lacag ka dalbatey Bangiga Adduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Maanta la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in wadamada ku bahoobay Paris Club ay Soomaaliyaka cafiyeen 1.4 Bilyan oo Dollar oo ay ku lahaayeen.

 

Waxa uu sheegay Wasiirka qaar in kamid ah wadamadaasi uu shir muuqaal toos ah oo dhanka internetka ah la qaatay dalalka ku bahoobay Paris Club kaas oo looga wada-hadlay muhiimadda ay xilligaan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymihii lagu lahaa.

 

 

 

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in shirka oo saacado badan qaatay kadib xubnihii ka qayb galayay ee matalayay wadamadaasi ay go’aamiyeen in Soomaaliya laga cafiyo deyntaasi.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in wadamadii shirka ka qayb-galay ay dhawaan bilaabi doonaan qorshihii wadamada carabta ay Soomaaliya uga cafin lahayeen deynta ay kuleeyihiin.

 

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in cudurka coronaviruska laga cabsi qabo in uu dhibaato badan u keeno Soomaaliya waxa uuna sheegay in bangiga Adduunka ay ka dalbadeen lacago loogu talagalay in looga hortago faafidda Cudurkaani.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment