912 Views

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjooge iyo maleeshiyo ka tirsanaa Al-Shabaab

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjooge iyo maleeshiyo ka tirsanaa Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

 Howlgal qorsheysan oo ay si wada jira u fuliyeen ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo ciidanka Nabad sugidda Jubbaland ayaa lagu dilay 4 ka tirsan maleeyshiyada Al-Shabaab oo uu ku jiray horjoogihii watay maleeshiyadka ciidanku ay dileen.

Ciidanka ayaa sido kale howlgalka ku dhaawacay 7 kale oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanno ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose.

Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo ciidanka Nabad sugidda Jubbaland ayaa howlgalka ku burburiyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen kooxda nabadiidka Al-Shabaab, waxaana ka mid ah degaannada kala ah Muduloow, Qutu’to, Waareey, Buulohareeri  iyo Dhanlojo.

Saraakiisha ciidanka Kumaandooska Danab ee howlgalka hogaaminayay aya tilmaamay inay ka kago’antahay ciribtirka kooxaha Nabadiidka ah ee Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post