915 Views

Dadka Corona virus u dhintay degaanada Somaliland oo gaartay 19 ruux

Dadka Corona virus u dhintay degaanada Somaliland oo gaartay 19 ruux
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 30 2020–Somaliland ayaa shaacisay Kiisaskii ugu dambeeyay ee laga helay Cudurka Covid 19, 48 saac ee lasoo dhaafay.
Sagaal iyo Labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 23 qof waa rag, 6 qofna waa dumar
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 29jir = 11 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(90jir ilaa 99jir = 1 qof)
Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 24 qof iyo Burco oo ah 5 qof.
Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Saddex iyo Soddon (33)
Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd 28 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Sagaal iyo toban (19)

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment