3360 Views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay xaalada amniga ee gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay xaalada amniga ee gobolka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 31, 2016: Cali Jeyte Cusmaan, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, ayaa ka hadlay xaalada amniga ee gobolka Hiiraan, isagoo balan qaaday in ciidamada booliska ay heli doonaan xuquuqdooda, hadii ay waajibkooda gutaan.

Cali Jeyte Cusmaan oo shalay booqday xarumaha ciidanka booliska ayaa sheegay in la tayeyn doono ciidamada, si wax looga bedelo xaalada amniga ee gobolka.

Waxaa kale ee uu sheegay inuu horay u soo ahaa ciidan, isla markaana waxa ugu weyn ee uu sameyn doono ay tahay wax ka qabashada xaaladaha amniga iyo sidii ciidamada ay bil walba u heli lahaayeen mushaarkooda joogtada ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka looga baahan yahay in akhlaaqdooda ay wanaagsanaato, si shacabka ay ugu kalsoonaadaan saaxibna ay la noqdaan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa todobaadkii hore xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, iyadoo xilkaas u magacaabay Cali Jeyte Cusmaan oo horay Xildhibaan u soo noqday, lana shaqeeyay maamulka hadda la dhisay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment