975 Views

Dawladda Maraykanka “ Calooshood u Shaqeystayaal Ruush ah ayaa jooga Dalka Mali

Dawladda Maraykanka  “ Calooshood u Shaqeystayaal Ruush ah ayaa jooga Dalka  Mali
____________________________________________________________________________

Sabti: January 22, 2022

Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in kooxda Wagnar oo ah askar calooshood u shaqeystayaal ah hadda la geeyey dalka Mali. Kooxdan ayaa taageero ka helaysa militariga Ruushka.

General Stephen Townsend, madaxa ciidanka Maraykanka ee Afrika ee Africom ayaa yiri “Kooxda Wagner waxa ay ku sugan tahay Mali. Halkaas ayey joogaan, waxaanan u malaynaynaa in hadda tiradoodu ay boqolaal gaareyso. Townsend ayaa warkan idaacadda VOA u sheegay mar uu wareysi gaar ah oo khadka Skypte-ka ah siiyey Khamiista maanta ah, isaga oo ku sugan xaruntiisa magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

Sidoo kale Waxa uu intaas raaciyey “dayuuradaha ciidanka cirka ee Ruushka ayaa keenaya. Adduunyadu way arkaysaa waxan dhacaya. Annaga welwel weyn bay nagu haysaa.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post