270 Views

Dalka Mozambique oo bilaabay in markii ugu horreysay in uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub

Dalka Mozambique oo bilaabay in markii ugu horreysay in  uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Dalka Mozambique ayaa bilaabay in markii ugu horreysay uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub, madaxweynaha dalkaas Felipe Nyusi ayaa ku timaamaytallaabo taariikhi ah.

Waxaa gaaskan oo saartay warshad ay maamusho shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo lagu magacaabo Eni balse shirkadda weyn ee shidaalka ee British BP ayaa ku guuleystay xuquuqda iibsiga gaaskan.

Gaaskan ayaa waxaa lagu qaaday Markab xamuulka qaada oo laga leeyahay Britain kaasoo ku wajahan Yurub balse lama ogo halka si rasmi ah loo geynayo.

Mozambique ayaa ku rajo weyn inay kamid noqoto dalalka adduunka ugu horreeyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shidaal laga helay gobolka Cabo Delgabo sanadkii 2010-kii.

  •  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post