555 Views

Wadahadal la filayo in uu saaka u furmo xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Soomaaliland

Wadahadal la filayo in uu saaka u furmo xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 05, 2022

Kulan fool ka fool ah ayaa saaka la filayaa in ay iskugu yimaadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

Kulankan ayaa looga hadli doonaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka daba dheeraaday ee salka ku haya doorashada maadxweynaha ee u dhaxeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa dhexdhexaadinaya odayaasha dhaqanka ee Soomaaliland kuwaas oo isku howlay in mar kale khalalaase uusan ka dhicin magaalada hargeysa ee maamulkaas.

Waa markii ugu horeysay oo kulan fool ka fool ah yeeshaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka tani iyo markii Hargeysa ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay 9kii bishii hore ee June.  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post