966 Views

Dhul gariir Xoogan oo cabirkiisu yahay 5.5 Rectar Scale oo ka dhacay dalka Turkiga

Dhul gariir Xoogan oo cabirkiisu yahay 5.5 Rectar Scale oo ka dhacay dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Dhul-gariir halbeegiisu ahaa 5.5 Rectar Scale ayaa la sheegay inuu sakayto ruxay meel ka baxsan Degmadda Datca ee Gobalka Mugla ee K/Glbeed ee dalkaasi.

Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Maaraynta Degdegga ee Masiibooyinka (The Disaster and Emergency Management Authority (AFAD) ayaa sheegtay inuu dhul-gariirku dhacay abaarihii 07-dii iyo barkii subaxnimo ee maanta oo Axad ah.

Dhinaca kale, Qoraal uu Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Turkiga, Ismaaciil Katakli soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inaysan jirin wax khasaaro ama dhibaato kale oo ka dhashay Dhul-gariirkaasi.

Ubucda Dhul-garirkaasi waxaa la sheegay inuu ka dhacay dhulka hoostiisa.

Arrintan ayaa ku soo beegantay, xilli ay Dowladda Turkiga la taacalayso sidii loo damin lahaa Kaymaha weli ku sii gubanayo qeybo ka mid ah Goblladda Koonfureed ee dalkaasi.

Tan iyo bishii la soo dhaafay ee July 28-dii, ilaa 98 dhul-kaymeed ayaa waxaa qabsaday dab xooggan oo aan la ogeyn qaabkii uu ku bilowday, kaasi oo ku faafay intaa badan Goballadda ku yaalla Koonfurta dalkaasi.

Ilaa 6 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Masiibadaasi, halka 180 oo kalena uu soo gaaray dhaawacyo u badan Gubasho.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post