2133 Views

Gen. Bashiir Ameeriko “Waxeynu abuureynaa Koox ka tirsan C.I.D –da oo ka hortageysa Laaluushka”

Gen. Bashiir Ameeriko “Waxeynu abuureynaa Koox ka tirsan C.I.D –da  oo ka hortageysa Laaluushka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho , July 04, 2018-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa sheegay in Taliska uu ku howlan yahay sameynta Ciidan dhar cad ah oo  laga soo xulayo C.I.D, kuwaasi oo ka shaqeyn doono inay ka hortagaan in shacabka laga qaado laaluush iyo in masuq maasuq lagu sameeyo.

“Waxeynu abuureynaa Koox ka tirsan C.I.D –da  oo ka hortageysa Laaluushka “Anti Corraption”, wax loo dul qaadanayo ma jirto, haddaba waan idin sheegayaa, aad uga taxadara, kuwa idinka hooseeyana u sheega, waxaa nalaga rabaa Ciidanka Booliska in aan raadino Sumcad iyo karaamo, waa in Jeebka Muwaadinka uu ammaan inaga helaa” ayuu yiri Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa hadalkaasi ka sheegay Xaflad tababar loogu furayey Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka ee Taraafiko.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment