1380 Views

Akhriso:-Puntland Oo Hakisay Xiriirkii Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka

Akhriso:-Puntland Oo Hakisay Xiriirkii Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku amartay Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka  in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ay ka haayeen gudaha Puntland inta laga dhameystirayo dhamaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka Dalka.

Puntland ayaa bogaadisay dadaalada hanaanka Doorashooyinka Xisbiyada badan ee la doonayo in  dalka la hergeliyo heerka dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Puntland ayaa wargelisay dhammaan Ururada iyo Xisbiyadda ee heerka dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada in ay hakiyaan wixii shaqo ah eek a haayeen gudaha Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment