1020 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farriin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farriin adag u diray Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October12 -2019 —Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan Magaalada Kismaayo, islamarkaana Khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa Farriin adag u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Waxaa uu sheegay hadii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay isku daydo in wadadii loogu tala galay doorashada ay ka leexiso ay la kulmi doonto dhibaato culus.

 

 

 

Madaxda dalka ayuu uga digay Muddo Kororsi iyo in doorashada soo socoto aysan noqon Mid xor iyo xalaal ah.

 

Siyaasiga ayaa sheegay in madaxda maanta joogta ay u baahan yihiin in gacmaha la qabto oo lala taliyo si uusan dalku u burburin.

 

Hadii aan dalka laga qaban Madaxda maanta ayuu sheegay in dhibaatooyin badan oo Muddo dheer socda dhalan doonaan uuna ugu baaqayo Shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo Wadajir.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment