1818 Views

Taliska Milatariga Soomaaliya oo shegay inay dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab

Taliska Milatariga Soomaaliya oo  shegay inay  dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab
____________________________________________________________________________

June 18, 2021

Taliska Milatariga Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay in ay saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo malayshiyaad la socday.

Taliska ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay tuulada Jalable ee Gobolka Shabeellada dhexe, islamarkaana lagu dilay horjooge Jaamac Dheere iyo 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Horjooge Jaamac Dheere ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhadda Gobolka Shabeellad dhexe, sida ay sheegeen Miltariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa hawlgalkaas lagu dhaawacay ilaa 24 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab, sida ay werisay wakaaladda SONNA.

Waxa xusid mudan in aysan jirin cid kale oo xaqiijisay warkan, iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post