1101 Views

Madaxweyne Waare oo sheegay inay walwal ka qabaan xaalada Galmudug

Madaxweyne Waare oo sheegay inay walwal ka qabaan xaalada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 02,, 2019  –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa muujiyay wel welka uu ka qabo Xaaladda Siyaasadeed Murugsan ee ka taagan Galmugud.

 

Waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in tafaraaruq la kala dhex dhigo Dadka Reer Galmudug,waxaana baaq uu u diray Dowladda Federaalka iyo cid kasta oo abaabuleyso kala qeybinta Galmudug inay joojiso.

 

“Dadka reer Hir-Shabeelle gaar ahaan Reer Hiiraan waxa ay welel ka qabaan aan la qiyaasi karin xaalada murugsan ee isku qasan oo ka jirta Galmudug,koonfur anaga oo sidaasi ula tacaaleyno inay waqooyi naga xiranto ma yeeleyno,wixii ka qeyb qaadanaya kala qeybinta inay joojiyaan ayaan ugu baaqayaa ayuu yiri Madaxweyne Waare.

 

Isaga oo ka hadlayay dhibaatooyin kusoo kordhay wadada xiriirisa Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayuu sheegay in marnaba Hir-Shabeelle aysan dooneyn in inay wadadaas xiranto,waxaana baaq uu u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug iyoi Hir-Shabeelle.

 

Dadka Reer Galmudug ayuu sheegay in xilligaan aysan u baahneyn siyaasad iyo kala qeyb qeybin iyo in kaambeyn lagu galo balse ay u baahan yihiin isku-soo dhaweyn iyo waxqabad dhab ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment