93 Views

RW hore Cali Maxameed Geedi oo sheegay in Itoobiya ay ku xad-gudubtay sharciga caalamiga ah

RW hore Cali Maxameed Geedi oo sheegay in Itoobiya ay ku xad-gudubtay sharciga caalamiga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi ayaa markale ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan damaca Itoobiya ay ku dooneyso Baddeena, wuxuuna caddeeyay in xukuumadda Aby Ahmed ay ku xad-gudubtay sharciyada caalamiga ah markii ay damaacisay Baddeenna.

‘’ Dalka Soomaaliya, xuduudihiisa, cirka, dhulka iyo Badda-ba, waa wax adduun aqoonsan yahay oo ku qoran axdiga Qaramada Midoobay Midowga Afrika, kan Carabta, Ururka Islaamka iyo East African Community oo xubin ka noqonay, marka laguma xadgudbi karo sharci caalami ah waaye,’’ ayuu yiri RW hore Cali Maxamed Geedi.

Wuxuu sidoo kale, carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid iibin karta dhul iyo Bad Soomaaliyeed, isagoona khiyaano qaran ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Muuse Biixi.

‘’ Waxaa ka daran midka Soomaaliga ah ee aamisan inuu iibin karo dhul iyo Bad Soomaaliyeed,dhowr jeer baanna ka hadlay cid iibin kartana ma jirto, xittaa Dowladda Federaalka hal cintii-mitir ma iibin karto,waxaan u arkaa anigu khiyaano qaran,maalin, maalmaha ka mid ahna isagoo maxkamad taagan in la arkayo ayaa aaminsan nahay,’’.

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda cas sanadkii 1993-kii markii Eritrea ay xornimada qaadatay kadib ku dhawaad ​​30 sano oo dagaal ah. In ka badan 95% badeecadaha ay Itoobiya la soo degto waxay ka soo degaan dekedaha Jabuuti iyadoo qiimaheeduna yahay qiyaastii $1.5 bilyan oo ah khidmadaha sannadlaha ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post