990 Views

Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha G/Hiiraan & Madax kale oo la gudbiyey

Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha G/Hiiraan & Madax kale oo la gudbiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado   , March 17, 2020 —Warqad kasoo baxdey Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa lagu sheegay in Laamaha kala duwan ee Garsoorka Gobolka Hiiraan ay faragelin ku hayaan Guddoomiyaha gobolka Hiiraan & Taliyaha Ciidanka Asluubta.

 

Warqadda oo la ogeeysiiyey Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale iyo Taliyaha qeybta Asluubta Gobolka Hiiraan ay ku takri falayaan Awooda iyo Sharciyadda mas’uuliyadeed oo ay leeyihiin.

 

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa laga digey amni darro ka dhalan karta hadii qof dambiile ah la siidaayo,iyada oo la adeegsanayo awood Maamul.

 

Weli Eedeyntaan loo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale iyo Taliyaha qeybta Asluubta Gobolka Hiiraan kama jawaabin.

 

Hoos Ka Akhriso Warqadda dacwada ah ee laga gudbiyey Mas’uuliyiinta.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment