255 Views

Laamaha Amniga Beledweyne oo goob fagaaro ah ku burburiyay waxyaabaha maanka dooriya

Laamaha Amniga Beledweyne oo goob fagaaro ah ku burburiyay waxyaabaha maanka dooriya
____________________________________________________________________________

Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ahna Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobalka Hiiraan Axmed cabdala cismaan (Inji) Iyo Duqa magaalada beledweyne marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa goob joog ka ahaa goob laamaha Amniga aay ku soo bandhigayeen Laguna gubayay  Wax yaabaha maanka dooriyo oo laga soo qabtay  Xaafadaha qaar ee Degmada beledweyne.

Taliyaha saldhiga booliska Degmadda Beledweyne L/X  Bishaar Maxamed Jimcaale iyo wasiir ku-xigeenka Amniga Hirshabelle oo waday Dadaalo lagu sugayo Nabad-galyada Magaalada Beledweyne ayaa xusay Ahmiyada aay leedahay in laga hortago Qamriga xashiishka oo Qeyb ka ah amni darada wax yaabaha sababa.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga Gobalka Hiiraan Axmed cabdala Cismaan inji ayaa u mahadceliyay laamaha amaanka asigoo xusay in laga hortagi doono wax walbo oo saameyn amni Keeni karo si loo xaqiijiyo amniga magaaladda beledweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan.

Maayarka magaalada beledweyne marwo Nadar Tabaax maalin ayaa xoojisay in waxyaabahan Maanka dooriya aay dhibaato ku haayan Hormarka Magaalada midaas oo aay keeni karaan cafmaad Daro baahsan amni xumo iyo nadfaada magaalada oo hoos u dhacdo ayadoo xusay in Dowladda Hoose ee Degmada beledweyne aay laamaha Amniga kala shaqeeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa Nabad-galyada magaalada beledweyne midaas oo Ah mid sare u qaadeeyso amniga iyo kobaca Hormarka magaalada beledweyne.

Ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan mudane Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in maamulka Gobolka Hiiraan uu dadaal badan Bixinayo amniga Gobalka Hiiraan lagana hortagi Doono wax walbo oo saameyn karo Nabad-galyada magaalada beledweyne asigoo u Mahadceliyay laamaha amniga Degmadda Beledweyne hormarada la taaban karo ee aay Ka Sameeyen amniga Magaalada Beledweyne.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post