702 Views

Saraakiisha Nigeria oo sheegay in dabley hubeysan ay afduubteen arday badan

Saraakiisha Nigeria oo sheegay in dabley hubeysan ay afduubteen arday badan
____________________________________________________________________________

May 31 2021

 Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in dabley hubeysan ay afduubteen arday badan oo dhiganayay iskuul Islaami ah oo ku yaal Nigeria – waana weerarkii ugu dambeeyay ee noocan ah ee lagu qaado iskuullada.

Maamulka gobolka Niger ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dablay hubaysan ay gacanta ku dhigeen arday aan tiradooda la aqoon oo ka tirsan iskuulka ku yaal magaalada Tegina maalintii Axada.

Macallin ayaa u sheegay BBC-da in 150 arday la la’yahay, halka warar kalena ay sheegayaan in tirada ay gaareyso illaa 200.

Afduubyada madaxfurashada lagu raadinaya ayaa ku soo badanaya gobollada woqooyi.

Bishii Febraayo ku dhowaad 300 oo gabdhood ayay rag hubeysan ka kaxeysteen iskuul ku yaal magaalada Jangebe, ee gobolka Zamfara. Intoodii badnayd waa lasii daayay.

Dhacdadan ugu dambeysay, goobjoogayaal ay soo xigatay shabakada wararka ee This Day ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay mootooyin ay soo weerareen magaalada kadibna ay rasaas ku fureen si aan kala sooc lahayn. Markii dadku kala carareen kooxihii weerarka soo qaaday waxay aadeen iskuulka islaamigaa ka dibna carruurta ayay la wareegeen. Iskuulka waxaa dhigta wiilal iyo gabdho, da’doodu udhaxeyso lix ilaa 18 jir.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in laba qof la toogtay xilligi weerarka la soo qaaday, mid ka mid ah ayaa geeriyooday halka midka kalena dhaawac culus uu soo gaaray. Mana cadda in dadka la toogtay ay arday ahaayeen. Tiro dad ah oo gaari ku safrayay ayaa sidoo kale la afduubay.

Weriyaha BBC-da ee Nigeria Mayeni Jones ayaa sheegaya in afduubka madax furashada uu ku soo batay guud ahaan Nigeria bilihii la soo dhaafay.

Warkan ayaa sidoo kale imanaya maalin kadib markii la sii daayay 14 qof oo laga afduubtay jaamacad ku taal gobolka dariska la ah ee Kaduna.

egina ayaa wax ka yar 20 daqiiqo u jirta magaalada Kagara, halkaas oo 27 arday laga afduubtay bishii Febraayo.

Afduubka madax furashada lagu doonayo ayaa ku soo batay guud ahaan Nigeria bilihii la soo dhaafay. Tan iyo bishii Diseembar ugu yaraan lix afduub oo loo geystey ardeyda ayaa ka dhacay Woqooyi Galbeed iyo bartamaha Nigeria. In ka badan 800 oo arday iyo shaqaale ayaana la afduubtay.

Afduubkii 2014 ee loo geystay 276 gabdhood oo iskuuley ahaa, ayaa ka dhacay magaalada waqooyi bari ee Chibok. Afduubka oo ay geysteen mintidiinta islaamiga ah ee Boko Haram ayaa soo jiitay indhaha caalamka ee weerarada lagu hayo iskuulada ku yaal Nigeria, laakiin weeraradii ugu dambeeyay waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen kooxo burcad ah.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post