804 Views

ku dhnawaad 5 qof oo ku dhimatay Weerar ka dhacay suuq ay dad badan ka dukaamaysanayeen oo ku yaala magaalada New Orlayns ee dalka Maraykanka

ku dhnawaad 5 qof oo ku dhimatay Weerar  ka dhacay suuq ay dad badan ka dukaamaysanayeen oo ku yaala magaalada New Orlayns ee dalka Maraykanka
____________________________________________________________________________

February 21, 2021

 Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa geeriyootay kadib markii nin hubeysnaa uu gudaha u galay suuq ay dad badan ka dukaamaysanayeen oo ku yaala magaalada New Orlayns ee dalka Maraykanka kadibna uu rasaas dhinac walba u riday.

Wararku waxay sheegayaan in ninka hubeysan oo rasaas ooda ka qaaday markii uu dukaanka galay waxaase jirtay inay iska caabin sameeyeen illaalada suuqa oo iyagana hubeysnaa.

Saddexda ruux ee geeriyooday waxaa ku jira ruuxa weerarka qaaday oo boolisku sheegeen in illaaladu toogatay.

Booliska oo markii dambe goobta tagay ayaa sheegay inay baarayaan ruuxa weerarka geystay oo ay meydkiisa hayaan.

Dhanka kale diyaarad nooceedu yahay boing 777-200 o ay la socdeen 241 ruux ayaa deg deg loogu dajiyay garoonka diyaaradaha Daanfer ee ku yaala gobolka Kolaraado kadib markii ay ciladi ku timid mid ka mid ah matooradeeda.

Muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkay diyaarada oo cago dhiganaysa ayadoo qiic ka baxayo matoorka dhanka midig.

Lama oga waxa ku dhacay matoorka diyaaradaha mana jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post