1194 Views

Cristiano Ronaldo oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.

Cristiano Ronaldo oo  dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.
____________________________________________________________________________


Jimco: August 27, 2021

Weerar yahanka kooxda Juventus, Cristiano Ronaldo, ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.

Bayaan ay soo saareen maamulka United ayay ku xaqiijiyeen in ay Juventus la gaareen heshiiska la soo wareegitaanka Ronaldo.

Waxa harsan waa in Ronaldo heshiis si shakhsi ah loola meel dhigo heshiiska, sida ku cad bayaanka United ay ku daabacday boggeeda.

Warkan ayaa durbadiiba si deg deg ah u qabsatay warbaahinta caalamka oo dhan

Markii hore waxaa maalmahan la hadal hayay in Ronaldo uu ku sii jeedo magaalada Manchester, balse kooxda uu u socdo ay tahay City oo ay si weyn u xifaaltamaan United. Saacadihii lasoo dhaafay ayuu si lama filaan ah usoo baxay hamiga United ay ku daneyneyso xiddigeedii hore kaddib markii hadal heynta taageerayaasha Manchester United ay badatay, iyagoo aad uga soo hor jeeday in uu halyeygooda ku biiro City.

Maxay tiri Manchester United?

“Manchester United waxay ku faraxsan tahay in kooxda ay heshiis la gaartay Juventus si ay ula soo wareegto Cristiano Ronaldo, arrintaas oo hadda ku xiran shuruudaha shakhsiga ee, dal ku galka iyo caafimaadka.

“Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or, waxa uu ilaa hadda ku guuleystay 30 koob intii uu xirfaddiisa ku jiray, waxaana ka mid ah shan koob oo ah Uefa Champions League, afar koob oo ah Fifa Club World, toddobo horyaal oo isugu jira England, Spain, Talyaaniga iyo horyaalka yurub oo uu kula guuleystay qarankiisa Portugal.

“Markii hore ee uu Manchester United u ciyaaray waxa uu dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu ciyaaray.

“Qof walba oo kooxda ku sugan waxa uu soo dhaweynayaa Cristiano oo dib ugu soo laabtay Manchester.”

Galinkii hore ee Jimcada ayay Manchester City ku dhawaaqday in ay ka hartay tartanka ay ugu jirtay lasoo wareegitaanka Cristiano.

Markii hore, Ronaldo waxa uu u maleynayay in uusan fursad u heli karin ku biiritaanka kooxdiisi hore, balse United ayaa go’aansatay inay suuragal ka dhigto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post