525 Views

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacaya Pakistaan

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacaya Pakistaan
____________________________________________________________________________

Axad: December 19, 2021

 Wasiirka Arrimaha Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galay Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa gaaray Magaalada Islaamabad ee dalka Pakistaan, halkaas oo siwyen loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ay ka qeyb geli doonaan shirweynaha Ururka Iskaashiga Islaamka  ee OIC, kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Islaamabad ee dalkaasi Pakistaan.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa sheegtay in shirka Iskaashiga Islaamka looga hadli doono arrimaha dalka Afghanistaan laguna caawinayo Shacabka dalkaas iyo qodobo kale oo ku saabsan dhibaatooyinka kajira dalalka Islaamka.

Shirweynaha Ururka Iskaashiga Islaamka  ee OIC oo sanad martigelineyso dowladda Pakistaan ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan oo ka kala yimir wadamada Islaamka, kuwaas oo shirka isku dhafsan doona fikrado kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shir doceedyo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galeysa Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka  ee OIC.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post