411 Views

Xiisad dagaal oo ka Taagan duleedka Magaalada laascaanood

Xiisad dagaal oo ka Taagan duleedka Magaalada laascaanood
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya  gobolka Sool ayaa sheegaya  in Dhaq Dhaqaaqyo Ciidanka ay ka jiraan duleedka Waqooyi ee magaalada laascaanood ee xaruunta gobolka Sool.

Ciidamadda Soomaaliland ee ku  sugan Saldhiga Goojacadde ayaa bilaabay Dhaq dhaqaqyo oo ay ku doonayaan in mar kale weerar ay ku soo qaadaan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool si ay ula wareegan gacan ku heynta Magaaladaas  maalmaha ciidul Fidriga  ka hor sida ay sheegayan ilo wareedyo ku sugan gobolka sool.

Ciidamadda Soomaalilnd ayaa lagu soo warramayaa in heegan la geliyay si ay u qaadan duulaan xooggan oo ka dhan ah Magaalada Laascaanood iyaga adeegsanayaa madaafiic culus iyo gawaarida dagaalka .

Sidoo kale Ciidamadda degaankaa ee SSC khaatumo ayaa iygana diyar garow ugu jira   sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada militariga Soomaliland ay  qorsheeynayaan in ay ku qaadaan Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba’ ahatee   Saraakiisha Ciidamadda SSC khaatumo ayaa ku Eedeeyay Soomaaliland in dhowr jeer ay isku dayeen in ay  qabsadaan magaalada laascaanood balse ay iska caabin xooggan ay kala kulmeen ciidanka degaanka ee SSC khaatumo .

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post