612 Views

Ra’iisal Wasaaraha UK oo ka hadlay codsiyada Sweden iyo Finland ee ku biiridda Nato

Ra’iisal Wasaaraha UK oo ka hadlay codsiyada Sweden iyo Finland ee ku biiridda Nato
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 19, 2022

Raii’sal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen dalalka Finland iyo Sweden kuwaas oo si rasmi ah u codsaday in ay ku biiraan isbahaysiga milatariga ee Nato.

Wuxuu ku tilmaamay go’aanka ay qaateen dalalkan mid taariikhi ah.

Johnson ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray: “Tani waa maalin taariikhi ah oo u ah Nato iyo caalamkaba. Waa taallabo aan lasii saadaalin, laakiin (Vladimir) Putin hammigiisa naxdinta leh ayaa wax ka beddelay qaaraddeena”

“Waxaan rajeynayaa inaan dhawaan ku soo dhaweeyo Finland iyo Sweden isbaheysiga Nato.”

Go’aankan ay qaateen labada dal ayaa ka dambeeyay markii Ruushka uu duulaan ku qaaday Ukraine, waxaana codsigooda ku biriidda Nato soo dhaweeyay 30-ka dal ee xubinta ka ah Nato laakiin Turkiga ayaa kasoo horsjeeda codsigooda.

Baarlamaanka dalka Finland ayaa ansixiyay codsiga dalkaasi ay ugu biirayaan gaashaanbuurta Nato.

Finland oo xudduud dheer la leh dalka Ruushka ayaa sheegtay in sababo ammaan darteed ay ugu biireyso gaashaanbuurta nato. Sweden oo iyaduna horey u sheegtay in ay doonayso in ay xubin ka noqoto Nato.

Haddii aan la helin taageerada dhammaan xubnaha Nato, Sweden iyo Finland kama mid noqon karaan xulafada militariga ee Nato.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post