219 Views

Boqolaal Baabuur xamuul ah oo dhanka Uganda ee xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ku xayiran

Boqolaal Baabuur xamuul ah oo dhanka Uganda ee xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ku xayiran
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 23, 2022

Boqolaal baabuur oo ah kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku xayiran dhanka Uganda ee xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo dagaalka u dhaxeeya dowladda Congo iyo fallaagada M23 uu sii kordhayo.

Hogaamiye maxalli ah oo ku sugan isgoyska Isha, Sostine Buregyeya, ayaa BBC u sheegay in baabuurta xamuulka ah qaarkood ay halkaas ku sugnaayeen muddo saddex toddobaad ah.

Arrintan ayaa Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo la filayo in madaxweynayaasha Rwanda iyo DRC ay wada hadal nabadeed ku yeeshaan caasimadda Angola ee Luanda.

Xukuumadda Kinshasa ayaa sheegtay in Rwanda ay taageerto fallaagada M23 — wax Kigali ay beenisay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post