960 Views

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland oo Maanta xukun rideysa

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland oo Maanta xukun rideysa
____________________________________________________________________________

Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland ayaa maanta magaalada Galkacyo uga dhawaaqeysa xukunkii ugu danbeeyey ee 18 Xubnood oo kamid ah Ururka Ar Al-Shabaab, kuwaas oo horey Maxkamadda darajada koowaad ugu xukuntey dil toogasho ah.
Sadexdi Asbuuc ee la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhageysiga Xukunkii Racfaan qaadashada,maanta ayaa Maxkamaddu shaacin doontaa go’aanka Maxkamadda sare.
Ilaa 7 Qareen oo kala duwan oo qaar kamid ah ka tageen magaalada Muqdisho ayaa u doodayey xukumanayaasha.
Amaanka Magaaladda Gaalkacyo guud ahaan ayaa aad loo adkeeyay, waxaana qeybta Waqooyi ee Magaalada lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Puntland oo Ammaanka xaqiijinaya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post