753 Views

Qasaare Ka Dhashay Isku Dhacyo ka Dhacay Congo

Qasaare Ka Dhashay Isku Dhacyo ka Dhacay Congo
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 23 2021–
Dhowr qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaadyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada Bambari ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

War ay soo saareen galinkii dambe ee Isniinta, Dhakhaatiirta aan Xudduudda Lahayn  ayaa waxay ku sheegeen in xarun caafimaad ay qabsadeen rasaas iyo walxaha qarxa, xilli ay socdeen isku dhacyo rabshado watay oo ka dhacay Magaalada Bambari Bartamihii Bishaan Febraayo.

Dagaalka u dhexeeya isbahaysiga kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn iyo ciidamada dawladda ayaa socday labadii bilood ee la soo dhaafay, taas oo Dalka Bartamaha Afrika gelisay xaalad cusub oo rabshado ah.

Bambari, oo ku taal gobolka Ouaka, ayaa waxay ahayd xudunta dagaalka,ee Dalka Bartamaha Afrika.

“Dhibaatada bani’aadamnimo ee xilligan ka jirta Bambari iyo guud ahaan dalka waa mid laga naxo oo rabshadaha saameeyay dadka rayidka ah waa in la joojiyaa,” ayay tiri Marcella Kraay, oo ah ku xigeenka madaxa howlgalka MSF.

Kraay ayaa sheegtay in xiisadaha joogtada ah iyo dagaalada qoto dheer ay saameyn ku yeeshaan durba kuwa ugu nugul, isla markaana ay ku dhacday dal ay sanado badan dagaalo sokeeye ka socdeen.

Ugu yaraan 100,000 ayaa ku barakacay dalka gudihiisa rabshadihii ugu dambeeyay. 107,000 oo kale waxay u qaxeen wadamada deriska la ah ee Cameroon, Chad, iyo DR Congo  sida ay sheegtay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post