1080 Views

Trump oo ku dhawaaqay Tilaabooyin hor leh oo ka dhan Iiran

Trump oo ku dhawaaqay Tilaabooyin hor leh oo ka dhan Iiran
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 09, 2020—Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qabtay Shir Saxaafadeedkii laga sugaayay Saacaddihii ugu dambeeyay ka dib markii Dowladda Iiran ay beegsatay Saldhigyadda Mareykanka ee ku yaalla dalka Ciraaq.

 

Waxaa uu sheegay qof Mareykan ah in uusan wax ku noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iiraan adeegsatay, taasoo uu sheegay haddii waxyeelado ka dhalan laheyd ay la kulmi laheyd Ciqaab deg deg ah.

 

 

 

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay cunaqabateyno hor leh dul dhigi doono Iiraan, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran.

 

Wuxuu dhinaca kale ka dalbaday dalalka Midowga Yurub, Ruushka, iyo Shiinaha inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay.

 

Hase ahaatee madaxweyne Trump qayaan jawaab rasmi ah ka bixinin su’aashii la iswada weydiinayay ee ahayd, “tallaabada xigta ee uu Mareykanku qaadi doono” ka dib gantaallada Iiraan ay la beegsatay saldhigyadooda dalka Ciraaq.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment