2520 Views

Soomaaliya iyo Kenya oo sameeyay guddiga xuduudaha labada dal

Soomaaliya iyo Kenya oo sameeyay guddiga xuduudaha labada dal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 31, 2018 – Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo qaabilsan arrimaha amniga iyo xuduudaha.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu faah faahiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in lagu guddiga wadajirka ay soo diyaarin doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada dhabta ee ka jirta xuduuda u dhaxeysa labada dal.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo shalay ku tagay magaalada Nairobi ayaa salka ku heysa arrimo labada dal ka dhaxeeya, gaar ahaan xuduuda Barriga iyo Badda.

Inkastoo qoraalkii ka soo baxay Madaxtooyada aan lagu soo hadal qaadin arrinta muranka Badda ee dacwadeeda ay taalo Maxkamadda Hague, hadana Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa dhowaan sheegtay in dowladda Soomaaliya ay kala hadleen in arrintaas wada xaajood ka galeen.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in wada xaajood ku saabsan arrinta Badda ay la galayaan, isla markaana kiiska dacwada badda uu weli yaalo Maxkamadda.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment