621 Views

Duulimaadyada garoonka Aadan Cadde oo la hakiyay iyo dagaalka oo weli socda

Duulimaadyada garoonka Aadan Cadde oo la hakiyay iyo dagaalka oo weli socda
____________________________________________________________________________


Arbaco March 23, 2022

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalka ka socda xerada Xalane ee Muqdisho ayaa sheegaya in gabi ahaanba la hakiyay duulimaadyada gudaha iyo dibadda ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen xerada Xalane ee Muqdisho.


Goobjoogayaal ayaa sheegaya in khasaaro kala duwan uu ka dhashay dagaalka, islamarkaana haatan ay gubanayaan kaalin shidaal ku dhow halkii 5 sano ka hor lagu doortay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana la arkayaa ciidamo gurmad ah oo ka socda Booliska sida gaarka ah u tababaray ay gaareen xerada Xalane, islamarkaana ay ku biireen dagaalka ka socda Xerada Xalane ee Muqdisho.


Qeybaha ugu muhiimsan ee xerada Xalane ayaa hadda ah kuwo la xiray, waxaana socda dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kooxdii weerarka soo qaadday..

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post