813 Views

Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh ka geystay tuulooyin hoostaga Degmada Jowhar

Wabiga Shabeelle oo  fatahaad horleh ka geystay tuulooyin hoostaga Degmada Jowhar
____________________________________________________________________________

May 5-2021

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad horleh ka geystay tuulooyin hoostaga Degmada Jowhar xarunta DG Hir-Shabeelle, kadib markii uu karkaarada ku jabsaday, waxaana uu saameeyay qoysaska kunool tuulooyinkaas & dhul beereed baaxad weyn.

Qoysaska qaar ayaa kasii barakacay Tuulooyinka Baarey & Moyko, cabsida xooggan ayaa lasoo deristay markii uu buux dhaafiyay Wabiga, dadka qaar ayaa awoodi waayay in ay isaga baxaan labadaas Tuulo waxaana go’doon geliyay biyaha oo jaray marinadii ay mari lahaayeen.

Isu socodka Gaadiidka wadada xiriirada Jowhar & Balcad ayaa istaagay, sababtu waa biyo badan oo galay waddooyinka ay maraan, waxa ay taasi dhalisay in ay isu gudbi waayaan Labadaan Degmo oo dano muhiim ah isaga xiran.

Tuulooyin kale oo ka dhaw meelaha Wabiga uu marayo waxaa ka bilawday Barakac ay sameynayaan Dadka Deegaanka, welwelka ugu weyn ee heysta waa in ay ka cabsanayaan marin ay uga baxaan haddii uu karkaarada jabsado.

Xiliyada roobka waxaa buux-dhaafiya Wabiga Shabeelle oo karkaarada ku jabsada Deegaannada uu maro, maadaama aanay jirin biyo-xireenno lagu xakameeyo biyaha xad-dhaafka ah ee sababta u ah uu fatahaad sameeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post