1623 Views

Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhimatay Qaraxii saakay

Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhimatay Qaraxii saakay
____________________________________________________________________________

Sabti: September 25, 2021

Waxaa soo kordhaya qasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana jira Saraakiil ka tirsan Xafiiska Raisal Wasaaraha oo ka mid ahayd dadkii halkaas ku dhintay.

 Wararka ayaa sheegaya in Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay ka mid Noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta.

Geerida Hibaaq ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab. Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.”

“Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo,” ayuu yiri Macallimuu.

Sidoo kale ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhintay qaraxaas sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee Dowlada Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post