894 Views

Raisal Wasaare Rooble “ Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkan uu guuleysto

Raisal Wasaare Rooble “ Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkan uu guuleysto
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo ka muujiyay qabsoomidda shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

“Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkan uu guuleysto” ayuu Ra’isul Wasaare Rooble ku yiri bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa.

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in shirkan uu ku dhammaado guul, si loo aado ‘doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay’.

Sidoo kale Diyaargarowga Shirka Wadatashiga Qaran oo ka socota magaalada Muqdisho ayaa Ra’isil Wasare Rooble ka codsaday shacabka iyo siyaasiyiinta inay taageeraan dalladiisa ku aadan xal u helista is-mariwaaga doorashada Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post