810 Views

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo mar kale baaq u diray shacabka Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo mar kale baaq u diray shacabka Itoobiya
____________________________________________________________________________


Isniin: November 8, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka ugu baaqay inay ku dadaalaan midnimada xilli dagaalka uu ka socda dalkaas.

Wuxuu sheegay in dalka uu kasoo gudbay dhibaatooyin badan.

“In kasta oo ay dhammaantood isku dayeen in ay dib noo celiyaan aynu hore u sii wadno midnimada”

Abiy wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigayay sawirrada dibadbaxyada lagu taageerayo dowladda.

Tobannaan kun oo qof ayaa ka qeybqaatay dibadbax ballaaran oo ka dhacay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa, si ay taageero ugu muujiyaan dagaalka ay dowladda kula jirto xulafada ciidammada fallaagada ee ku gooddinaya inay caasimadda geli doonaan.

Dowladda waxay ugu baaqday saraakiishii hore ee militeriga ee shaqada ka fariistay inay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post