1173 Views

Wasiirka Gaashaandhiga oo Ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda

Wasiirka Gaashaandhiga oo Ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga  Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya faray in ay ilaaliyaan dhex dhexaadnimadooda sida ku cad Dastuurka JFS qodobkiisa 129-aad.

Cidna looma ogolaan karo in ay ciidamada u adeegsadaan danahooda siyaasadeed ayuu yiri” Wasiirka.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in” Waxaan ku jirnaa wakhti kala guur ah, waa in ciidamadu ilaaliyaan sharciga una hoggaansamaan xeerarka anshaxa ee Ciidamada Qalabka sida.

” Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waa in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasadda waana in aysan qaadan awaamiir walba oo hareer marsan sharciga”.

Warkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo beegmaya xilli labada dhinac ee isku haaya Siyaasadda Soomaaliya ay la kalq safan  yihiin Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post