1536 Views

Akhriso:-Xeerka Kheyre U Gudbiyay Baarlamaanka Ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe

Akhriso:-Xeerka Kheyre U Gudbiyay Baarlamaanka Ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 14, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka u gudiyay Xeerka Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe.

Xeerkaan oo ay horay u soo meel mariyeen Golaha Wasiirada ayaa wax ka bedelaya sharciga Bangiga Dhexe, gaar ahaan qodobka 130aad,kaas oo dib u eegis kusaabsan sida uu ula jaan-qaadi karo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka (PFM) lagu sameyn doono.

Sidoo kale Xeerkaan waxa uu hagayaa xulitaanka Xubnaha Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe iyo in dib u eegis wadajir ah ay ku sameeyaan Xubnaha Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Xeeraakn Ra’iisul Wasaare Kheyre u gudbiyay Baarlamaanka ayaa hadii ay meel mariyaan Xildhibaanada Golaha Shacbaka,waxa uu ogolaanayaa in Bankiga dhexe uu madax ka noqon karo qof Ajnabi ah,iyad aoo loo eegayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment