879 Views

Wasiirka cadaaladda oo ka hadlay Rasaas galabta lagu furay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasiirka cadaaladda oo ka hadlay Rasaas galabta lagu furay Madaxweyne  Xasan Sheekh
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Saacado kadib Weerar lagu qaaday gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan shekh maxamuud ayaa waxaa ka hadlay Dowlada Somaliya

Wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay rasaas galabta lagu furay baabuur uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay aheyd shil oo aysan ku talo-gal aheyn, isla markaana loo xil saaray guddi soo baara sida ay wax u dhaceen, kaas oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

“Maanta waxaa dhacay shil dhex-martay ciidan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxuuna ahaa shil si qaldan u dhacay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in ciidanka Asluubta aysan si ku talgal ah u geysan shilkaas,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xeebta, isagoona u socday shir ay lahaayeen Midowga Musharaxiinta, xiliga ay ciidamada dowladda ku fureen xabadaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post