15462 Views

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo mar kale dib u dhac ku yimid

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo mar kale dib u dhac ku yimid
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | December, 01, 2018 – Dib u dhac ayaa mar kale ku yimid doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu waday in la qabto 05 bishan December.

Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheega in doorashada dib loo dhigay ilaa 19ka bisha December.

Lama oga sababta keentay dib dhacan mar kale ku yimid doorashada, hasse ahaatee wali muuqata in uu jiro culeys dhinac doorashada ah oo dhinacyo badan ka imanaya, iyadoo maalintii shalay ay gaareen magaalada Baydhabo ciidammo ay halkaa ku dirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta iyo guud ahaan siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa siweyn ugu kala aragti duwan habka ay dowladda Soomaaliya u wajaheyso doorashada oo la leeyahay waxaa jira fara-galin ba’an oo uga imanaya dhinac madaxtooyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka soo horjeestay tallaabada ay dowladda federaalka ciidamada ugu dirtay Baydhabo, hasse ahaatee Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in iyagu ay dalbadeen ciidamadaas oo ka qeybqaadanaya sida uu hadalka u dhigay sugida amniga deegaannada Koonfur Galbeed

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment