105 Views

Dowladaha Soomaaliya & Sucuudiga oo ka wada hadlay horumarinta Garoomada iyo Jidadka

Dowladaha Soomaaliya & Sucuudiga oo ka wada hadlay horumarinta Garoomada iyo Jidadka
____________________________________________________________________________

RIYAD –  Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan iyo wafdi ay hogaaminaysa ayaa magaalada Riyadh ee xarunta Boqortooyadda Sacuudiga kulan kula qaateen madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan Bin Abdirahman Al-Marshad.

Kulanka Wasiirka iyo Madaxa ayaa diiradda waxaa lagu saaray horumarinta iskaashiga labo geesoodka ah, iyaga oo  soo bandhigay mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa ka fuliyo dalalka soo koraya, iyo saameynta ay mashaariicdani ku leeyihiin kobaca iyo barwaaqada nolosha bulshada ka faa’iideysata.

Wasiirka ayaa la wadaagtay dhankeeda, sida ay Soomaaliya ugu diyaarsantahay maalgashi toos ah, gaar ahaan horumarinta dhinacyada garoommada diyaaradaha, waddooyinka iyo mashaariicda hortabinnta u leh dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post