768 Views

Cabsi xoogan oo maanta ka taagan Magaalada Jowhar.

Cabsi xoogan oo maanta ka taagan Magaalada Jowhar.
____________________________________________________________________________

Axad: May 15, 2022

iidamadda Xogga Dalka gaar ahaan Qeeybta 27-aad ee ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa heegan buuxa la geliyay tan iyo xalay, kadib markii la helay xog tibaaxeeyso weerar ay Dagaalamayasha Al-Shabaab la Damacsanyihiin in ay ku qaadaan Magaalada Jowhar.

Saraakisha Ciidamada xogga dalka ee ku sugan Jowhar iyo Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee ATMIS gaar ahaan Ciidanka dalka burdin ee fadhigoodu yahay Jowhar ayaa helay xogta, waxaa ayna Heegan sare geliyeen Ciidamada Xogga dalka iyo kuwa Burundi.

Dhanka kale waxaa Saaka waxaa magaalada Jowhar ka taagan cabsi la xiriirta in uu halkaasi dagaal ka dhaco maadaama ay baahday xoggta ay heleen Saraakisha Dowladda ee ah in ay Al-Shabaab maaganyihiin weerar ay ku qaadaan Jowhar.

Dadka degaanka ayaa dusiyay xoh iyana sheegeysa in ay Alshabaab ku suganyihiin Duleedka magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Arintaan ayaa kusoo aadeeyso iyadoo Dhowr jeer oo hore ay Al-Shabaab weeraro qorsheysan ku qaadeen Magaaladda Jowhar,

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post